Kenya waxa ay ku guulaysatay in ay gaarto hiigsigeeda ah in ugu dambeyn bishan Decmber oo caawa ku eg in 10 milyan oo kenyaan ah laga talaalo caabuqa Covid-19.
Iyadoo sanadka cusub ee 2021 uu gabagabo yahay, caawana ugu dambeysa sido kalena saacado yar ay inaga xigaan inaan galno sanadka 2022-ka ayaa wasaarada caafimaadka ee dalka shaacisay in 10,002,184 tallaal laga bixiyay dalka oo dhan .
Kuwaas, 5,820,951 ka mid ah waa kuwa da’doodu ka weyn tahay 18 jir kuwaas oo qayb ahaan la tallaaley halka kuwa si buuxda loo tallaaley ay ahaayeen 4,155,832,.
Dadka ay da’doodu u dhexeeya 15 ilaa 18 sano ee laga talaalay Virus-ka waxaa ay gaarayaan 5,280 .
Dawladdu waxay hada ka shaqaynaysaa sidii loo tallaali lahaa Kenyaan dhan 27,246,033.
Wasiirka caafimaadka ee dalka Mutahi Kagwe ayaa u mahad celiyay dhamaan dadkii qaatay talaalka COVID 19 isagoona ku booriyay dadka kale ee aan qaadan inay qaataan talaalka.