Wasiirka tacliinta oo taageeray in ardayda laga baaro isticmaalka daroogada

0
570

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa taageeray soo jeedin ah in ardayda si qasab ah loogu sameeyo baaritaano lagu xaqiijinaya inay daroogo isticmaalaan iyo in kale si gaar ah kuwa dhigta dugsiga sare ee Maranda ee ismaamulka Siaya.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagula tacaalayo dhacdooyinka ay ardaydu ku gubaan goobaha waxbarashada.
Wasiir Magoha ayaa xusay inuusan shaki ka qabin in qaar ka mid ah ardayda dugsigaasi iyo si guud dalka ay isticmaalaan maandooriye.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in baaritaannada ay muhiim yihiin maadaama xilli hore la aqoonsan karo ardayda balwadda adeegsado.
Waxaa uu intaasi ku daray in qaar ka mid ah waalidiinta ay aad uga mashquuleen la socodka isbeddelka ku yimid habdhaqanka carruurtooda taasoo saameyn karto howlaha waxbarashada.