Dowladda Turkiga oo sheegtay inay heshay meydadka 13 qof oo lagu dilay Ciraaq

0
805

Ciidamada dowladda Turkiga ee fulinaya howlgallada ka dhanka ah maleeshiyada Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq ayaa sheegay inay heleen meydadka 13 qof oo ay kooxdan dishay.
Dadkan ayaa horay loo afduubtay sida laga soo xigtay wasiirka gaashaan dhigga ee Turkiga Hulusi Akar .
Mas’uulkan ayaa xusay in kooxda PKK 48 xubnood laga dilay .
Sidoo kale waxaa howlgalkaas ku dhintay 3 sarkaal oo u dhashay Turkiga iyadoo saddex kalena la dhaawacay.
10-kii bishan ayay ahayd markii Turkigu uu billaabay duullaan militari oo ka dhan ah kurdiyiinta ku sugan gobolka waqooyi ee Ciraaq ee Gara.