Wasiirka arrimaha dibadda ee Shiinaha oo dalka safar ku imaanaya

0
689

Waxaa uu qorshuhu yahay in 4-ta bisha koowaad ee sanadka soo socdo uu wadanka safar rasmi ah ku imaado wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Shiinaha Wang Yi .
Wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Beijing ayaa arrinkan shaacisay.
Kenya iyo Shiinaha ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir wanaagsan oo dhanka horumarinta kaabayaasha ah.
Shiinaha ayaa dowladda dalka ka taageero mashaariic badan oo dhanka gaadiidka iyo waddooyinka ah.
Sidoo kale waxaa uu Kenya siiyaa lacago amaah oo ay u adeegsato barnaamijyada horumarineed.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa qaaradda Afrika ku sugnaan doono ilaa 7-da Jannaayo.
Sidoo kale Wang Yi ayaa booqan doono dalalka Eritrea iyo Comoros ka hor inta uunan u sii gudbin Koonfurta qaaradda Aasiya gaar ahaan waddamada Maldives iyo Sri Lanka.