Afhayeenka dowladda dhexe Cyrus Oguna ayaa shacabka ugu baaqay inaynan fududeysan mas’uuliyadda ka saaran xaqiijinta badqabka dhanka waddooyinka oo uu ku tilmaamay mid guud.
Waxaa uu cid kasta oo adeegsato waddooyinka wadanka u soo jeediyay inay raacdo tilmaamaha iyo shuruucda waaxda taraafikada si loo yareeyo shilalka sare u kaca xilliyadan oo kale.
Oguna ayaa rakaabka iyo wadayaasha baabuurta kula taliyay inay safarkooda sii qorsheystaan si looga baaqsado in gawaarida qaab xowli ah loo wado.
Sidoo kale darawaliinta ayuu uga digay inay daroogo ama taleefoonka gacanta isticmaalaan iyagoo baabuur kaxeynaya.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in darawaliinta laga doonayo inay muujiyaan habdhaqanka ugu wanaagsan ee waafaqsan xeerarka waaxda gaadiidka ee dalka.
Home Wararka Kenya Kenyaanka oo lagu boorriyay inay mas’uuliyad iska saaraan badqabka dhanka waddooyinka