Xafiiska diiwaangeliya xisbiyada siyaasadeed oo awoodo dheeraad ah yeelanaya

0
561

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa xalay u codeeyay hindise sharciyeed dhigaya in diiwaangeliyaha xisbiyada siyaasadeed ee wadanka ay awood u leedahay inay diiddo diiwaangelinta hal -qabsi xisbi.
Go’aankan ayay qaadan kartaa haddii ay u soo baxdo in hal-qabsigaasi uu liddi ku yahay danta guud ee bulshada ama amniga qaranka.
Waxaa arrinkan codkooda ku taageeray 102 mudanayaal ah halka 15 ay ka soo horjeesteen.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhowr xildhibaan oo xulafo la ah madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ay xarunta baarlamaanka iskaga baxeen in kastoo ay codeyntu socotay.
Hindise sharciyeedka ay ansaxiyeen xubnaha baarlamaanka ayaa waxaa soo gudbiyay hoggaamiyaha aqlabiyadda ee golaha xeer dejinta ahna xildhibaanka deegaanka Kipipiri Amos Kimunya.