Dowladda oo qorsheynaysa inay miisaaniyadda u kordhiso dugsiyada hoose dhexe

0
580

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa sheegay inay ka baaran degayaan sidii loo kordhin lahaa dhaqaale la siiyo dugsiyada hoose dhexe ee wadanka.
Xilli uu shalay ismaamulka Mombasa ka furay shirweynaha 17-aad ee ururka maamulayaasha dugsiyada hoose dhexe ee KEPSHA ayuu wasiirku xaqiijiyay in toddobaadka soo socdo wasaaradda maaliyadda ay bixin doonto lacagahan.
Wasiir Magoha ayaa maamulayaasha u sheegay in dowladdu ay ka go’an tahay wanaajinta waaxda tacliinta ee wadanka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in lagu dadaalaya sidii dhammaan dugsiyada ay u heli lahaayeen buugaag ku filan, miisaaniyad iyo kaabayaasha waxbarashada.
Dhanka kale wasiirka oo ku adkeystay inaan la joojin doonin dhaqangelinta manhajka waxbarashada ee CBC ayaa macallimiinta uga mahadceliyay dadaalka ay geliyeen in ardayda ay helaan casharrada in kastoo cudurka COVID-19 uu carqaladeeyay jadwal sanadeedkii dugsiyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here