Madaxweynaha dalka oo ka tacsiyeeyay geerida halyeey ka soo horjeestay midib takoorkii Koonfur Afrika

0
294

Madaxweynaha dalkani Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Desmond Tutu oo lagu tilmaamo halyeey si wayn uga soo horjeestay midib takoorkii wadanka Koonfur Afrika ee loo yaqaanay Apartheid.
Mr. Kenyatta ayaa dhambaal uu soo saaray ku sheegay inuu murugada la qaybsanaya dhigiisa Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa , qoyska uu ka baxay Tutu iyo dhammaan shacabka waynaha dalkaasi.
Waxaa uu ku tilmaamay halyeey kaalin wayn ka soo qaatay xurriyadda , nabadda iyo dib u heshiisiinta bulshooyinka qaaradda Afrika.
Hoggaamiyaha dalka ayaa xusay in Desmond Tutu gudaha Afrika si wayn loogu qadarin jiray kaalintiisa dhanka nabad galyada maadaama halgankiisu uu ku saleysanaa qaab aan rabshadeysnayn.
Desmond Tutu oo sidoo kale sanadkii 1984-tii ku guulaystay abaalmarinta nabadda ee Nobel Peace Prize markii dambena loo magacaabay guddoomiyaha guddiga runta iyo dib u heshiisiinta dalkaasi ayaa maanta geeriyooday isagoo 90 sano jir ah.
Waxaa uu muddo dheer ahaa madaxa kaniisadda Anglican Church isagoo si wayn uga soo horjeeday ololihii midib takoorka.