Waxaa maalinkii labaad dugsiga sare ee Eastleigh High ee xaafadda Islii, deegaanka Kamukunji ee magaalada Nairobi ka socdo kulan diimeedkii afaraad ee la qabto.
Kulanka ayaa waxaa muxaadarooyin kala duwan ka jeediyay culimo waawayn oo soomaaliyeed kuwaasoo qaarkood ay ka yimaadeen daafaha dunida.
Culimadan waxaa ka mid ah Sheekh Saciid Raage, Sheekh Maxamuud Shibli, Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi , Sheekh Maxamad Idriis , Sheekh Bashiir Salaat iyo Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil.
Waxaa kulan diimeedka idaacadda Star FM faahfaahin ka siiyay Sheekh Cabdirisaaq Cabdullahi (Jiir) oo soo qabanqaabiyay madashan.
Sidoo kale waxaa uu sharraxaad ka bixinayaa farriinta uu xambaarsan yahay kulan diimeedkan
Dhanka kale qaar ka mid ah dadweynaha ka soo qayb galay kulanka ayaa dareenkooda la wadaagay warbaahinta Star




