Shil saaka ka dhacay waddada wayn ee u dhexeysa magaalooyinka Nakuru iyo Eldoret ayaa waxaa ku dhintay afar qof.
Waxaa dhacdadan xaqiijiyay taliyaha booliska ee ismaamulka Uasin Gishu Ayub Gitonga oo dhanka kale darawaliinta ugu baaqay inay feejignaadaan gaar ahaan xilligan dabbaal degga Christmas.
Shilka ayaa yimid ka dib markii ay isku dhaceen baabuur ay dadkan saarnaayeen oo ka yimid dhanka Nakuru iyo mid ka mid ah gawaarida xamuulka oo ka soo ambabaxay Eldoret.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in darawalka baabuurka yar uu si aan taxaddar lahayn uga hor marayay gawaarida kale ka hor inta uunan shilku dhicin.
Meydadka afarta qof ee isla goobta ku geeriyooday ayaa la geeyay goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka wayn ee Eldoret.