Qaramada midoobay oo ku baaqday in cunaqabateyn la saaro Myanmar

0
812

Sarkaalka jimciyadda qurumaha ka dhexeysa u qaabilsan baaritaannada lagu sameeyo xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqul aadanaha Thomas Andrews ayaa soo jeediyay in cunaqabateyn lagu soo rogo Myanmar.
Waxaa uu sheegay inay jiraan caddeymo iyo warbixino isa soo taraya oo tilmaamaya in saraakiisha ammaanka ay rasaas nool u adeegsanayaan dibadbaxayaasha tani oo liddi ku ah xeerarka caalamiga.
Myanmar ayaa waxaa weli ka socdo mudaharaadyo looga soo horjeedo afgembigii uu militarigu talada kula wareegay 1-dii bishan.
Mr.Thomas Andrews ayaa sheegay in golaha ammaanka ee qaramada midoobay ay tahay inuu eego in Myanmar uu saari karo xayiraad dhanka safarrada iyo soo iibsashada hubka ah.