Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in nidaamka E-citizen ee shacabka qaab online ah loogu fidiyo adeegyada dowladda uu sare u qaadayo maamul wanaagga.
Arrintan ayuu shalay ka sheegay shir caalami ah isagoo tilmaamay in Kenya ay nidaamkan daahfurtay si dadweynaha ay adeegyada ugu helaan qaab ay daahfurnaan ku dheehan tahay.
Mr.Kenyatta ayaa hoosta ka xarriiqay in tan iyo markii la billaabay isticmaalka E-citizen , ay korortay tirada muwaadiniinta ee ka faa’iidaystay adeegyada dowladda.
Waxaa uu ku baaqay in iyadoo sida habboon loo adeegsanaya horumarka tiknolojiyadda , shacabka loo fududeeyo helitaanka adeegyada muhiimka ah.