Waxaa uu qorshuhu yahay in bisha afaraad ee sanadka 2022-ka ay Kenya billowdo inay soo saarto dawooyinka tallaalka ee ka dhanka ah cudurka COVID-19.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe oo isagoo ku sugan ismaamulka Machakos arrintan ka hadlay ayaa xusay in ujeeddada laga leeyahay ay tahay in laga gudbo caqabadda hadda taagan.
Waxaa uu wasiirku tilmaamay in maadaama hadda dawooyinka laga sugo dala kale ay adkaatay in la dardargeliyo in tallaalka la siiyo in badan oo kenyaanka ka mid ah.
Mutahi Kagwe ayaa intaasi ku daray in Kenya ay hadda ugu yaraan boqolkiiba 70 ee badeecooyinka caafimaad kala soo degto dalalka kale ee dunida.
Sidoo kale wasaaradda caafimaadka ayaa ku dadaalaysa sare u qaadidda horumarka dhanka cilmi baarista.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa xilli uu 30-kii bishii hore khudbad qaran ka jeediyay xarunta baarlamaanka sheegay in Kenya ay qaaday wadadii ay isugu filnaan lahayd gaar ahaan dhanka caafimaadka.
Sida ku cad qorshaha qaran ee qaybinta dawooyinka COVID-19 ,Kenya ayaa hiigsanaysa in ugu dambeyn sanadka 2024-ta ay lahaato warshad awood buuxda u leh soo saaridda tallaalka.
Dhanka kale guddiga la soo magacaabay ee machadka soo saaridda dawooyinka ee dalka oo loo yaqaano Kenya Biovax Institute waxaa xubno ka ah
Prof. Sam Kariuki,Mr Sachen Chandaria,Ms Shamim Chanzu,Mr Dennis Rangi,Dr John Kiiru waxaana guddoomiye looga dhigay Mugo Kibati .