Garyaqaan lagu magacaabo Bobby Mkangi oo ka mid ahaa khuburradii soo saaray dastuurka hadda dalka u degsan ayaa ka digay in wasiirrada , xoghayeyaasha iyo saraakiisha sar sare ee dowladda ay ka qayb qaataan arrimo siyaasadeed.
Waxaa uu xusay in tani ay dhaawacayso kalsoonida shacabka ay ku qabaan xafiisyada ay mas’uuliyiintan ugu adeegaan dadweynaha.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in habdhaqankan uu liddi ku yahay xeerarka wadanka lagu maamulo.
Qareen Mkangi ayaa hoosta ka xarriiqay in sarkaalka dowladeed haddii uu doonayo inuu ku lug lahaado siyaasad ay u furan tahay inuu iska casilo xilka uu haya.
Tani ayaa timid ka dib markii kulankii Jimcada ee mideynta bulshada oo uu madaxa xisbiga ODM Raila Odinga shaaca kaga qaaday inuu markii shanaad u tartamaya hoggaanka dalka ay ka qayb galeen ilaa toddobo wasiirro ah.
Waxay kala ahaayeen wasiirka maaliyadda Ukur Yatani, Sicily Kariuki ( biyaha ), Keriako Tobiko ( deegaanka), John Munyes (Batroolka iyo macdanta), Peter Munya ( beeraha ), Eugene Wamalwa (Difaaca) iyo Joe Mucheru (Isgaarsiinta).
Xeerarka ku saabsan hoggaanka , farqada 23-aad qaybta labaad waxaa ku cad in sarkaal dowladeed oo la magacaabay ama dadweynaha u adeego uunan ku qayb qaadan karin arrin kasta oo siyaasadeed taaso tuhun gelin karto dhexdhexaadnimada xafiiska uu hayo.
Hasa ahaate qaar ka mid ah wasiirrada ayaa horay dhaliishan iskaga difaacay waxayna sheegeen inaysan dastuurka dalka ku xadgudbin maadaama aynan xubno ka ahayn xisbiyo siyaasadeed.
Garyaqaan Bobby Mkangi ayaa dhankiisa ku doodaya in sababta aan wasiirrada xilal hoggaan loogu soo dooran oo aynan baarlamaanka ugu tirsanayn ay tahay inay ka madax bannanaadaan siyaasadda.