Sidee u aragtaa in markii 5-aad uu Raila Odinga isu soo sharraxay hoggaanka ugu sarreeya ee dalka?

0
777

Hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga ayaa si rasmi ah galabta ugu dhawaaqay in uu yahay musharrax u taagan xilka madaxtinimada dalka Kenya ee doorashada guud sanadka dambe ee 2022-ka.
Mr. Odinga ayaa shaaciyay in 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadka soo socdo uu markii shanaad u tartami doono xilka madaxtinimo ee dalka.
Arrinkan ayuu kaga dhawaaqay shirweynaha higsiga mideynta ee Azimio La Umoja oo lagu qabtay maanta garoonka cayaaraha Kasarani ee magaalada Nairobi.
Waxaa munaasabaddan kasoo qayb galay kumannaan kun oo dadweyne ah.
Kulanka waxaa sidoo kale kasoo qayb galay madax kala duwan oo isugu jiro siyaasiyiinta ODM,xulafadooda, madax ka tirsan xisbiga talada haya ee Jubilee iyo taageerayaashooda.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa ku dhawaaqay in dhaqdhaqaaqa Azimio La Umoja uu noqon doona mid ku hagi doono aqalka madaxtooyada dalka looga arrimiyo ee State House.
“Wax aan codsanaya majiro, mana codsan doono marka laga reebo inaad isiisaan fursad aan idin kugu adeego” ayuu yiri Mr. Odinga.
Waxaa uu sheegay inuu aqbalay go’aanka dadweynaha ka dib markii uu wada tashiyo sameeyay islamarkaana uu markii shanaad isu soo sharraxayo xilka madaxtinimo.
Raila Odinga ayaa sheegay in mar dhow uu ku dhawaaqi doono qorshihiisa horumarineed ee xilka madaxtinimo.
Mr. Odinga, oo ka mid ah siyaasiyiinta ugu caansan Kenya ayaa ku dhawaaqay dib u heshiisiin isagoo ballanqaaday inuu noqon doono madaxweyne matali doono dhammaan dadweynaha.
Waxaa uu xusay in fikradaha shakhsiga ay ka sarreysa danta qaranka.
“Si aan dalkeenna ugu hagno waddadii midnimada, xasillooni iyo barwaaqo waarta, waxaan halkan kaga dhawaaqayaa daahfurka dhaqdhaqaaqa higsiga mideynta Azimio La Umoja,” ayuu ku yiri madaxa xisbiga ODM.
“Alle I ha idin barakeeyo dhammaantiin, Eebe ha ii noo barakeeyo dhulkeena iyo dalkayna.” ayuu khudbaddiisa kusoo gabagabeeyay ra’iisul wasaarihi hore ee dalka