Madaxa Al-Qaacidda ee Yemen oo muuqaal ka soo dhex muuqday

0
521

Madaxa kooxda Al-Qaacidda ee dalka Yemen Khalid Batarfi ayaa ka soo dhex muuqday muuqaal in kastoo warbixin ay soo saartay qaramada midoobay lagu sheegay in bilooyin uu xiran yahay.
Khalid Batarfi, ayaa ka hadlaya dibadbaxyadii bishii hore ka dhacay Congress-ka Maraykanka.
Muuqaal oo soconaya 20 daqiiqo ayuu Batarfi ku sheegayaa in tallaabadaas ay ahayd mid aan weynayn marka loo barbardhigo waxyaabaha soo socdo.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii warbixin loo gudbiyay golaha ammaanka ee qaramada midoobay lagu sheegay in ninkan Batarfi iyo ku xigeenkiisa Saad Atef al-Awlaqi la qabtay.
Waxaa warbixinta qayb ka ah in madaxa Al-Qaacidda ee Yemen iyo ku xigeenkiisa laga takhalusay qabashada ka dib xilli bishii tobnaad ee sanadkii hore howlgal laga sameeyay magaalada Ghayda ee gobolka Al-Mahrah , koonfurta bari ee dalka Yemen.
Sanadkii 2018-kii ayay ahayd markii waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka ay Khalid Batarfi u aqoonsatay argagixiso caalami ah.
Yemen ayay dagaallo ka jireen tan iyo sanadkii 2015-kii waxaana ilaa iyo hadda dowladda Yemen garab siinaya isbeheysi militari oo uu hoggaamiyo Sacuudiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here