Kenya oo la soo gaarsiiyay 1.17 milyan oo ah dawooyinka tallaalka COVID19

0
200

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa dowladda Maraykanka kala soo wareegtay tallaal dheeraad oo ka dhan ah cudurka COVID19.
Waxaa maanta wadanka la keenay 1.17 milyan oo ah nooca tallaalka ee Johnson and Johnson .
Tallaalka dheeraadka ah ee wadanka la keenay waxaa gagida diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi ku guddoomay madaxa guddiga qaran ee qaybinta dawooyinka Dr. Willis Akhwake.
Guddoomiyaha ayaa dowladda Maraykanka uga mahadceliyay taageerada ay ku bixinayso dadaallada ay Kenya ku dardargelinayso tallaalka ka dhanka ah cudurka.
Dr.Akhwale ayaa dhammaan kenyaanka u xaqiijiyay in dawooyinka ay yihiin kuwo aan wax u dhimayn caafimaadkooda.
Berri ayaa la rajeynayaa in wasaaradda caafimaadka ay hesho hal milyan oo ah dawooyin dheeraad gaar ahaan nooca Pfizer.
Tani ayaa tirada dawooyinka ee ay ilaa iyo hadda dowladda Maraykanka ugu deeqday dalka ka dhigaysa 6 milyan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in iyadoo loo marayo hannaanka qaybsashada tallaalka corona ee COVAX , Kenya ay heshay 22.2 milyan oo kuuro.
Wasaaradda caafimaadka ayaa ilaa iyo hadda adeegsatay ku dhawaad 8 milyan oo dawooyinkan ka mid ah.
Waxaa uu qorshuhu yahay in ugu dambeyn 25-ka bishan Diseembar gudaha dalka caabuqa corona looga tallaalo ugu yaraan 10 milyan oo qof.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here