Waddamada Kenya iyo Congo ayaa ku heshiiyay inay si dhow iskaga kaashadaan baaritaanada lagu sameeyo falal dambiyeedyada.
Heshiiskan ayaa la gaaray ka dib markii ay kulan wada qaateen agaasimaha waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da Mr. George Kinoti iyo guddoomiyaha guud ee booliska wadanka Congo Amuli Bahigwa.
Mr. Amuli ayaa sidoo kale ah guddoomiyaha hay’adda iskaashiga madaxda booliska ee dalalka bariga Afrika.
Labada sarkaal ayaa kulankooda diiradda ku saaray sida ay u wadaagi karaan xogaha la xiriira falal dambiyeedyada iyo siyaabaha lagula tacaalo.
Mr. Kinoti ayaa madaxa booliska ee Congo uga mahadceliyay booqashada uu ugu yimid .
Waxaa uu agaasimaha DCI-da sheegay in tani ay caddeynayso inuu sii xoogeysanaya xiriirka ka dhexeya labada dhinac si loo hubiyo badqabka muwaadiniinta Kenya iyo Congo.