DHAGEYSO:Saddex qof oo laga soo saaray goob macdanta laga qodo oo ku duntay Siaya

0
341

Saddex qof oo laga soo saaray goob macdanta laga qodo oo ku duntay Siaya
Wararka naga soo gaaraya ismaamulka Siaya ayaa sheegaya in la soo badbaadiyay saddex qof oo ku xannibmay goob laga qodo macdanta gaar ahaan dahabka oo khamiistii hore 2-dii bishan ku duntay dowlad deegaankaasi.
Tirada dadka la soo badbaadiyay ilaa iyo hadda ayaa ah 6 halka dhimashada la xaqiijiyay ay tahay hal qof.
Waxaa arrinkan xaqiijiyay guddoomiye ku xigeenka deegaanka Bondo Richard Karani.
Dadka la soo badbaadiyay ayaa la geeyay isbitaalka deegaan baarlamaneedka Bondo si qiimeyn caafimaad loogu sameeyo oo haddii ay daryeel u baahan yihiin loo daweeyo.
Xilli ay warbaahinta la hadleen iyagoo isbitaalka ku sugan ayay dareenkooda sidan u muujiyeen

Goobta laga qodayay macdanta ee duntay ayaa loo yaqaanaa Abimbo