Cabsida dhanka amaanka ee ka jirta Marsabit oo hakad galisay deeqihii gargaarka

0
454

Hogaamiyeyaasha dowlad deegaanka Marsabit ayaa sheegay in cabsida laga qabo weeraro ka dhaca wadada xariirisa Isiolo-Marsabit iyo Moyale ay caqabad ku noqotay deeqihii raashinka ahaa ee la gaarsiin lahaa dadka deegaanka oo wajahay abaaro aad u daran.
Isku dhacyada u dhexeeya dadka deegaankaas ku wada nool ayaa mudooyinkii danbe ku sii xoogaysanaya dowlad deegaanka Marsabit ayadoo bishii hore ilaa sagaal qof lagu dilay dagaal beeleedyada deegaanadaas ka dhacay sida ay sheegeen ciidamada amaanka iyo hogaamiyeyaasha gobolka.
Gudoomiyihii hore ee degmada Bubisa Golloh Wario ayaa xaalada cuno yarida ee aagaas ka jirta wuxuu ku tilmaamay mid aad u daran isagoo xusay in shaqsiyaadka gargaarka bixin lahaa aysan awoodi inay gaarsiiyaan dadkaas maadaama ay ka cabsi qabaan in wadada logu weeraro.
Arrimahaan ayuu maanta ka hadlayay xili uu ku sugnaa magaalada Bubisa halkaasoo dadka deegaanka deeq raashin ah la gaadhsiiyay oo isugu jirta waxyaabaha ay binu aadamku isticmaaalaan iyo quudka xoolaha.
Raashinka la gaarsiiyay dadkaas abaaruhu saameeyaan ayaa waxaa ugu deeqay maalgashato maxali ah kuwaasoo hoostaga shirkada Giston Energy oo deegaanka ka fulinaysa mashaariic ay ka mid tahay korontada cadceeda laga dhaliyo.
Qaar ka mid ah hogaamiyeyaasha deegaankaas ayaa sheegay inay dareemayaan inay ka go’een dunida inteeda kale maadaama aysan jirin cid si fudud oo kalsooni ah uga safri karta oo xitaa cunto ka soo gadan karta magaalada Marsabit sidoo kalena ku dhawaad dhamaan xoolihoodii ay ku le’deen abaarta ba’an ee deegaanka saamaysay.
Agaasimaha shirkada Gitson Energy ee Kenya Michael Ndiritu ayaa balan qaaday inay inuu ka shaqayn dooni sidii xal waara loogu heli lahaa arinta gaajada marka ay bilaabaan mashruuca ay deegaanka ka fulinayaan.
Wuxuu sheegay in dhimashada xad dhaafka ah ee xoolaha oo ay deegaanadaas ku soo arkeen ay tahay arin aan la aqbali karin ayna bilaabayaan qorshaha u adkaysiga abaaraha.
arimahaan ayaa waxay ku soo aadayaan ayadoo madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta uu kal hore ku dhawaaqay in abaarta wadanka ku habsatay ay tahay Musiibo qaran sidoo kalena uu jiro dhaqaale ay dowlada dhexe sheegtay in abaaraha wax looga qabanayo walow meelaha qaar wali xaalado aad u daran oo dhanka abaarta ah laga soo sheegayo.