Arday loo xiray dab ka kacay dugsiga sare ee Maranda xilli albaabada loo laabay xaruntaasi

0
369

Waxaa albaabada la isugu dhuftay dugsiga sare ee Maranda oo ku yaalla dowlad deegaanka Siaya ka dib markii uu dab ka kacay shalay.
Falka gubashada iskuulkaasi ayaa loo xiray 3 arday ah oo lala xiriirinaya inay ka dambeeyeen dhacdadan.
Hasa ahaate waxaa abaare 11:30 barqanimo ee shalay gubatay qayb ay seexanayeen 630 arday oo dhigta fasalka koowaad ee xaruntaasi waxbarasho.
Tani ayaa timid maalmo un ka dib markii dugsigaasi laga eryay 400 oo ah ardayda fasalka afaraad.
Ardaydan ayuu maamulku ceyriyay ka dib markii lagu eedeyay inay qorsheynayeen inay dugsiga gubaan tabashooyin ay qabaan awgood.
Tani waxay ku kaliftay maamulka dugsiga iyo qaybaha kale ee ay khusayso inay isugu yimaadaan shir degdeg ah oo lagu go’aamiyay shalay in dugsiga la xiro muddo aan la cayimin.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii 6 arday loo xiray dab ka kacay dugsiga Maranda High in kastoo markii dambe wax dembi ah lagu waayay.