Dab ka kacay dugsiga sare ee Maranda ee ismaamulka Siaya

0
275

Waxaa lagu soo warramayaa inuu maanta dab qabsaday mid ka mid ah qaybaha ay seexdaan ardayda dugsiga sare ee Maranda oo ku yaalla dowlad deegaanka Siaya.
Tani ayaa timid maalmo un ka dib markii dugsigaasi laga eryay 400 oo ah ardayda fasalka afaraad.
Ardaydan ayuu maamulku ceyriyay ka dib markii lagu eedeyay inay qorsheynayeen inay dugsiga gubaan tabashooyin ay qabaan awgood.
Hasa ahaate waxaa abaare 11:30 barqanimo ee maanta gubatay qayb ay seexanayeen 630 arday oo dhigta fasalka koowaad ee xaruntaasi waxbarasho.
Guddoomiye ku xigeenka dowladda dhexe u qaabilsan deegaanka Bondo Richard Karani ayaa warbaahinta u sheegay in la billaabay baaritaano dhacdadan ku aaddan.
Maamulka dugsiga sare ee Maranda ayaan weli ka hadlin dhacdadan oo ah midii labaad ee xaruntaasi lagu gubay.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii 6 arday loo xiray dab ka kacay Maranda High in kastoo markii dambe wax dembi ah lagu waayay.