Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Masaajidda Baxrayn oo aan 2 isbuuc lagu tukan doonin

Masaajidda Baxrayn oo aan 2 isbuuc lagu tukan doonin

Laga billaabo berri waxaa dalka Baxrayn ka dhaqan galaya go’aan muddo labo toddobaad ah aan salaadaha jamaacada lagu tukan doonin masaajidda.
Wakaaladda wararka ee BNA ayaa ku warramaysa in sidoo kale munaasabadaha diimeed aan lagu dhex qaban doonin masaajidda.
Muslimiinta dalkaas ku nool ayaa khudbadda Jimcada kala socon doono xarunta Axmed Al-Fatex oo si toos ah u siidayn doonto.
Wasaaradda cadaaladda , arrimaha diinta iyo awqaafta ee Baxrayn ayaa sheegtay in go’aankan lagu saleeyay soo jeedinno ka yimid guddiga qaran ee caafimaadka ee loo xilsaaray cudurka COVID-19.
Ujeedooyinka laga leeyahay waxaa ka mid ah in la badbaadiyo dadka da’da ah ee cudurka u nugul.
Waxay wasaaraddu sheegtay in ay amarkan dib u eegis ku sameyn doonto iyadoo lagu saleynaya waxyaabaha soo kordho.
Baxrayn waxaa ilaa iyo hadda laga xaqiijiyay xaaladaha caabuqa corona oo gaaraya 108,807.
Waxaa cudurka COVID-19 gudaha wadankaas kaga caafimaaday 102,289 halka 387 qof ay u dhinteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments