DHAGEYSO:William Ruto oo ka hadlay dhaliil uga timid madaxweynaha dalka

0
390

Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa ka jawaabay hadal uu hoggaamiyaha wadanka Uhuru Kenyatta jeediyay xilli uu ku sugnaa ismaamulka Nakuru.
Madaxweynaha ayaa dhallinyarada uga digay siyaasiyiin sheeganaya inay u taagan yihiin hoggaan ay da’yartu hormuud ka yihiin.
Waxaa uu xusay in qofka mas’uulka ah lagu doorto kartidiisa iyo waxyaabaha dhanka horumarka ah ee uu soo kordhin karo balse aynan ahayn in da’ lagu qiimeeyo.
Hasa ahaate ku xigeenkiisa ayaa tilmaamay in hadalka madaxweynaha laga dheehan karo inuusan daacad ahayn oo uu shakhsi gaar ah u daneynaya.
Ruto oo soo gabagabeeyay socdaal labo cisho qaatay oo uu ku joogay ismaamulka Machakos ayaa ballanqaaday haddii hoggaanka dalka lagu aamino inuu sare u qaadi doono wax soo saarka beeraha iyadoo hoos loo dhigaya qiimaha bacriminta.