Hoggaamiyaha xisbiga Narc Kenya Martha Karua ayaa soo dhaweysay khudbadii uu dhawaan baarlamaanka ka hor jeediyay madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta.
Hasa ahaate waxay ku eedeysay inuusan ku guulaysan la dagaalanka musuqmaasuqa.
Mrs. Karua ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in madaxweynaha laga doonayo inuu talada wadanka wareejiyo isagoo hoos u dhigay falalka lagu lunsado kheyraadka dadweynaha.
Wasiirkii hore ee cadaaladda ayaa sheegtay in musuqmaasuqa uu carqaladeeyay bixinta adeegyada caafimaadka gaar ahaan xilligan uu jiro cudurka COVID19.
Waxay tusaale u soo qaadatay fadeexaddii saameysay maamulka soo iibiyo sidoo kalena qaybiya dawooyinka ee KEMSA oo ay hoosta ka xarriiqday in hoggaamiyaha dalka laga doonayo inuu meel adag ka istaago.




