Maamulka qaran ee waddooyinka waawayn ee KeNHA ayaa cagaf-cagafyo u dirtay waddooyinka Mombasa iyo Uhuru ee magaalada Nairobi, halkaas oo daadadka ka dhashay roobabka ay waddooyinkaasi xireen.
Wararka ayaa intaasi ku daray inay adkaatay isu socodka dadweynaha iyo gadiidka waddooyinkaasi adeegsada.
Muuqaallo iyo sawirro lagu faafiyaya baraha intarneetka ayaa la arkayay gawaari dhex mushaaxaya biyaha oo halkaasi ku xannibmay.
Maamulka KeNHA ayaa dhanka kale xusay in xireen goobaha fatahaaddu saameysay, si loo xaqiijiyo badqabka dadweynaha.
Inkasta oo daadad noocaan oo kale horaan loo arki jiray, haddana waxaa markan uga sii daray dhismaha marinka Nairobi Expressway ee waddooyinka qaar ee caasimadda hakad geliyay
Home Wararka Kenya Maamulka KeNHA oo cagaf-cagaf gaysay waddooyinka qaar ee caasimadda ay daadku xireen