Golaha hay’adaha aan dowliga ahayn oo cambaareeyay weerar burcad ah oo ay ku dhinteen 4 qof

0
331

Golaha ay ku mideysan yihiin hay’adaha aan dowliga ahayn ee loo yaqaano NGOs ayaa cambaareeyay dilka afar qof ee aagga Kerio Valley ee gobolka Rift Valley.
Wararak ayaa intaasi ku daraya in burcadda dilka gaysatay ay goobta falkan laga soo tabiyay ka kaxaysteen tiro aan aan la cayimin oo lo’a ah.
Guddoomiyaha golaha NGO-yada dalka Stephen Cheboi ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in afar qof oo aan waxba galabsan ay ku dhintaan gacan ka xaq daran.
Waxaa uu tilmaamay in dilalka wuxushnimada aan la aqbali karin.
Mr. Cheboi ayaa ka codsaday dowladda, madaxda gobolka iyo ismaamullada deriska la ah ee aaga falkan laga soo tabiyay, inay wax ka qabtaan khatarta burcadda ee soo noqnoqotay.
Waxaa uu dowladda dhexe u soo jeediyay inay qaado tallaabooyin adag oo lagu soo afjarayo dilalka loo gaysanaya dadka aan waxba galabsan.
Sidoo kale waxaa uu carrabka ku dhuftay in dowladda ay tahay inay xaqiijiso badqabka dhammaan muwaadiniita.
Hay’aadaha ammaanka ayuu ugu baaqay in si degdeg ah gacanta ugu soo dhigaan dembilayaasha, islamarkaana ay sharciga horkeenaan.
Waxaa uu ugu dambeyn dadweynaha ku boorriyay inay si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha ammaanka si loo aqoonsado burcadda dilka gaysatay.