Waxaa lagu soo warramayaa in hooyo ka mid ahayd dadka ay abaartu ku saameysay dhulka Miyiga ah ee hoostaga degmada Luuq ee Gobolka Gedo ee Soomaaliya ayaa ugu dambeyn gaajo iyo haraad dartiis ugu geeriyootay degmada Luuq.
Mid ka mid ah dadka ku nool degmada Luuq ayaa sheegay in hooyadaan oo abaarta darteed uga soo barakacday deegaanka ay ku nooleyd ka dib markii Xoolihii ay lahayd ay abaartu ka dhameeysay.
“Waxaa saaka aas loogu sameeyey degmada Luuq ee Gobolka Gedo” “Alle ha u naxariistee hooyo duleedka Luuq ugu geeriyootay gaajo iyadoo nuujinayso ilmo yar oo dhalan dhowr toddobaad oo kali ah, waxay haysatay 5 Carruur ah, waxayna weysay cid u gurmata ayuu yiri” Qof ka mid ah dadka ku nool degmada luuq.
Hooyada gaajada iyo Haraadka u geeriyootay ayaa Carruurta ay ka tagtay iyo Aabahood oo da’ah waxaa ay Maamulka degmada Luuq iyo Culimada Magaalada u dhiseen Guri Jiingad bacweyne ka sameysan si ay ugu noolaadaan.
Gobolka Gedo ee Maamulka Jubbaland ayaa sanadkan 2021-ka waxaa uu noqday Gobolka ugu daran oo ay abaartu saameysay, iyada oo dowladda Soomaaliya & Maamulka Jubbaland aysan ka helin gurmadkii loo baahnaa, waxaana gaajo iyo haraad ugu geeriyooday dad farabadan.