Isku duwaha ammaanka ee gobolka xeebta John Elungata ayaa shaaciyay in meesha laga saaray xayiraadda safarka habeenkii ee waddada xiriiriso ismaamulka Lamu iyo Garsen oo ka tirsan Tana River.
Waxaa uu sheegay in gaadiidleyda ay habeenkii adeegsan karaan waddada Lamu-Witu-Garsen road maadaama uu soo hagaagay amniga gobolkaasi.
Hasa ahaate waxaa tallaabadan ka faa’iidaysanaya keliya baabuurta aan ahayn gaadiidka dadweynaha ee sida gaarka ah loo leeyahay.
Tani ayaa ku soo beegmaysa hal bil ah ka dib markii dowladda dhexe ay qaadday Bandow xilliga habeenkii ka jiray guud ahaan wadanka.
Isku duwaha ammaanka ee xeebta , John Elungata ayaa dhanka kale sheegay in ciidamada ammaanka ay heegan sare ku jiraan gaar ahaan ka hor tagga halista maleeshiyaadka.
Mas’uulkan ayaa intaasi ku daray inuu weli shaqeynayo amarkii sanadkii 2014-kii lagu mamnuucay in baabuurta ay shacabku raacaan ee loo yaqaano PSV ay waddadaasi habeen maraan.