Agaasimaha dambi baarista dalka oo ku biiray guddiga fulinta ee INTERPOL

0
330

Agaasimaha waaxda dambi baarista wadanka ee DCI-da Mr. George Kinoti ayaa saaka loo doortay inuu ka mid noqdo guddiga fulinta ee booliska caalamiga ee INTERPOL.
Tani ayaa timid ka dib markii golaha guud ee booliskan uu kal-fadhigii 89-aad ku yeeshay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Mr. Kinoti oo si aqlabiyad leh loogu codeeyay ayaa qaaradda Afrika matali doono muddo saddex sano ah.
INTERPOL waa dallad caalami oo qaabilsan arrimaha ammaanka waxaana xubno ka ah in ka badan 195 dal guud ahaan caalamka.
Waaxda DCI-da ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in tallaabada uu Mr. Kinoti ugu biiray miiska go’aan qaadashada ee hay’adda booliska ee adduunka ay caddeyn u tahay sida loogu qanacsan yahay istaraatiijiyooyinka ay dowladda Kenya ku maareyso falal dambiyeedyada gaar ahaan ka hor tagga argagixisada ,xadgudubyada dhanka intarneetka , dembiyada abaabulan, kuwa saameeya wadamo kala duwan iyo arrimo kale.
Qoraalka waxaa qayb ka ah in tani ay tahay cod kalsooni ah oo loo qaaday waaxda dambi baarista Kenya gaar ahaan qaabka ay waayadii dambe u gudanaysay waajibaadkeeda.
Mr. George Kinoti oo khudbad jeediyay ayaa dhankiisa wadamada xubnaha ka ah INTERPOL ka codsaday inay si dhow uga wada shaqeyaan maareynta dembiyada gaar ahaan ka hor tagga argagixisada.
Booliska adduunka ee INTERPOL oo la aasaaday in ka badan 100 sano ka hor ayay xubnaha ka tirsan iyo hay’adaha caalamiga oo ay ka mid tahay qaramada midoobay iska kaashadaan la tacaalidda falal dambiyeedyada heer caalami ah.