DHAGEYSO:Safiirka Soomaaliya ee Turkiga oo ka warbixiyay dhaawaca agaasimaha Telefeshinka Qaranka

0
288

Safiirka dowlada Fedraalak Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga iyo diplomasiyiin kale oo ka tirsan Safaarada Soomaaliya ayaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga waxayku qaabileen dhaawaca Agaasimaha TV-GA Qaranka Soomaaliyeed oo arimo caafimaad geeyay dalkaasi Turkiga.
Danjiraha dowlada Soomaaliya ee dalka Turkiga Amb Jaamac C/laahi Caydiid ayaa faahfaahin ka bixiyay xaalada agaasimaha telefeshinka qaranka oo dhaawac culus ka soo gaaray qarax lagula eegtay magaalada Muqdisho.