Gudiga doorashooyinka oo ka hadlay cabasho soo gaadhay baaqna diray

0
247

Iyadoo ay socdaan Doorashooyinka golaha shacabka baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya oo soo bilaabmay 1 November ilaa haddana toban kursi la doortay siday natiijooyinka hor dhac ahi tilmaamayaan ayaa guddiga doorashooyinka Heer federaal soo saareen qoraal ay kaga hadleen doorashada socota.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Gudiga ayaa lagu sheegay inuu guddigu ku shaqeynayo hanaan waafaqsan habraacii ay soo saareen madatasha wadatashiga qaranka, iyadoo aysan jirin habraac kale oo siyaasi, maamul ama masuul siyaasadeed soo saaray oo lagu dhaqayo doorashada, hanaankaas oo ay si wada jir ah u saxiixeen madaxweynayaasha maamul goboleedyada, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Ra’iisuulwasaaraha Soomaaliya.
Doorashada oo wakhtiyo kala duwan dib u dhac ku yimid, ayaa wakhtiga kama danbaysta ah ee guddigu u asteeyey in lagu soo gebagebeeyo ay tahay 24 Disembar, 2021.
Warka ka soo baxay gudiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in guddiga oo ilaalinaya hufnaanta iyo shuruucda doorashada, uu siyaasiyiinta iyo cid kastoo danaynaysa doorashada u sheegayo in wax kastoo cabasho ah oo ka soo baxday kuraastii la doortay ay dib u eegi doonaan, doorasho kasta oo aan waafaqsanayn hanaanka loo asteeyey in loo maro guddiga xulista ergada iyo ergada wax dooranaysana ay noqon doonto mid si dhab ah loo baadho, go’aan ku haboonna laga gaarayo.

Sidoo kale gudigu waxaay sheegeen in si looga fogaado wax is daba marin iyo daah furnaan la’aan doorashada ku dhacda uu farayo guddiyada doorashooyinka heer maamul goboleed inay dhowraan, ishana ku hayaan daah-furnaanta, caddaaladda, xeerarka iyo habraaca doorashooyinka hadda socda.
Guddiga ayaa sidoo kale sheegay inay soo gaareen cabashooyin iyo talooyin ku aaddan doorashooyinka socda. Sidaadarteed, uu guddigu ku samaynayo baaritaanno dhammaan cabashooyinka. Waxayna bulshada Soomaaliyeed u sheegeen gudigu in wax kastoo baal marsan hufnaanta doorashada uusan guddigu marna aqbali doonin.
Sidoo kale Waxaay ugu baaqeen tartamayaasha iyo daneeyayasha doorashada inay wixii cabasho ah u maraan hanaanka loo dejiyey in wax looga qabto murannada doorashada, iyadoo ay dhisan yihiin guddiyaddii loogu tala galay inay wax ka qabtaan.
Gudiga doorashooyinka heer Fedraal waxay kaloo sheegeen in Guddiyada doorashooyinka maamulaya uu ka madax-bannaan yahay siyaasadda iyo fara-gelinta siyaasi. Sidaa awgeed, la farayo dhammaan guddiyada inay waajibaadkooda u gutaan si madax-bannaan oo caddaalad ah. Waxaa kale oo ay madaxda Qaranka ku boorinaynaa inay u madax baneeyaan hawlahooda doorashada, ayna ka caawiyaan adeegyada muhiimka ah ee ay u bahan yihiin gudiyadu.
Ugu danbayn gudiga doorashooyinka heer Fedraal waxaay ummadda Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah ugu baaqeen inay guddiyada ku gacan siiyaan gudashada waajibaadkooda, si ka madax banaan fara gelinta siyaasadda iyo inay shaqadooda u gutaan si hufan. Si doorashada golaha shacabku ugu dhammaato wakhtigii loogu tala galay, iyadoo marxaladdaan looga gudbi karo in doorashadu wakhtigeeda ku dhammaato, lana soo dhiso baarlamaanka 11 ee Soomaaliya.
Warkaan kasoo baxay Gudiga doorashooyinka Heer Federaal ayaa kusoo beegmaya xilli cabasjooyin farabadan laga keenay habka ay u socdaan doorashooyinka Golaha Shacabka.