Dowladda ismaamulka Kilifi oo saxiixday xeer ka dhan ah isbeddelka cimillada

0
334

Barasaabka dowlad deegaanka Kilifi ee gobolka xeebta Amason Kingi ayaa qalinka ku duugay xeer cusub oo la doonayo in wax looga qabto isbeddelka ku yimaada cimillada.
Mr. Kingi ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in tallaabada uu qaaday ay xallin doonto dhibaatooyinka dhanka cimillada ee uu wajahaya ismaamulkaasi.
Xeerkan waxaa uu dhigayaa in la soo dhiso ilaa saddex guddi oo eegaya qorshayaasha iyo barnaamijyada cimillada.
Guddiyadan ayaa kala ah midka qabanqaabada , farsamada iyo deegaannada hoose.
Waxyaabaha ay soo jeediyaan dadweynaha ku nool deegaanada hoose ee ismaamulka Kilifi ayaa loo gudbinayaa guddiga farsamo oo oggolaansho ka helaya kan sare.
Sidoo kale waxaa xeerka ku cad in la aasaaso sanduuqa dhaqaale ee maareynta isbeddelka cimillada si loo maalgeliyo mashaariicda kala duwan ee caqabaddan wax looga qabanaya.
Mashaariicda waxaa ka mid ah kuwa biyaha , waddooyinka ,beeraha , xoolaha iyo kallumeysiga.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ismaamulka Makueni uu ka socdo shirweynaha dowlad wadaajinta ee saddex cisho looga arrinsanaya xal u helidda dhibaatooyinka ka dhasha isbeddelka cimillada.