Madaxweynaha dalka Mr.Uhuru Kenyatta ayaa la filayaa inuu 30-ka bishan 11-aad jeediyo khudbad uu faahfaahin kaga bixinaya xaaladda qaranka.
Khudbaddan ayuu si wadajir ah ugula hadli doonaa xildhibaanada baarlamaanka iyo senatarrada aqalka sare.
Guddoomiyaha golaha qaran ee xeer dejinta Mr. Justin Muturi ayaa arrinkan shalay shaaca ka qaaday.
Waxaa uu sheegay in kulanka iskudhafka ah ee uu hoggaamiyaha wadanka khudbadda kaga jeedinaya xarunta baarlamaanka uu billaaban doono abaare 2:30 -ka galabnimo ee Talaadada soo socoto.
Mr.Kenyatta ayaa la rajeynayaa inuu sharraxaad ka bixiyo waxyaabaha sanadkan u qabsoomay maamulkiisa iyo qorshaha u degsan sanadka soo socdo ee ugu dambeeya muddo xileedkiisa.
Xildhibaanada dalka ayaa waxaa 2-da bisha Diseembar ee sanadkan u billaaban doono fasax.