Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Baarlamaanka dalka oo galinka dambe yeelanaya kal-fadhiyo dheeraad ah

Baarlamaanka dalka oo galinka dambe yeelanaya kal-fadhiyo dheeraad ah

Golaha qaran ee xeer dejinta ayaa billaabaya inuu galinka dambe yeesho kal-fadhiyo dheeraad ah si loo fududeeyo ciriiriga dhanka shaqooyinka ee hor yaalla.
Mudanayaasha ayaa kulan yeelanaya inta u dhexeysa 2:30 ilaa 6:30 laga billaabo Talaadada maanta ah halka maalmaha kale ay shir doonaan 7 ilaa 9 –ka fiidnimo.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Amos Kimunya.
Waxaa uu xusay in hadii fadhiyo dheeraad ah aanan la yeelan ay suurtagal tahay in baarlamaanka uunan dhameystirin warbixino ka hor doorashada guud ee sanadka 2022-ka.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo bisha Afaraad ee sanadka soo socdo xisbiyada kala duwan ay qaban doonaan kala xulashada musharraxiinta ama isreebreebka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments