DHAGEYSO:Ruto:Cidna dib looguma celin doono keynta Mau

0
310

Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa waxba kama jiraan ku sheegay dacaayad uu xusay in laga faafiyay oo ah in haddii sanadka 2022-ka uu ku guulaysto hoggaanka wadanka uu keynta Mau ee ismaamulka Narok dib ugu celin doono shakhsiyaad halkaasi laga saaray.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in tani aynan suurtagal ahayn.
William Ruto ayaa arrintan ku eedeeyay siyaasiyiin ay iska soo horjeedaan.
Waxaa uu tilmaamay in howlgal amni oo ay dowladdu sameysay xilli uu ahaa madaxweyne ku xigeen uunan dib uga laaban doonin marka uu qabto hoggaanka ugu sarreeya wadanka