Maareeye oo markale ka mid noqday xildhibaan ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya

0
289

Maxamad Cabdi Xayir Maareeye ayaa mar kale loo doortay xubin ka tirsan Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya xilli ay socoto doorashada Aqalka Hoose ee Gobollada Waqooyi.
Maareeye wuxuu helay codadka gaaraya 96 halka musharraxii kula tartamay kursiga HOP#225, Cabdiraxmaan Warsame Siciid uu helay 2 cod oo kaliya ah.
Sidoo kale doorashada kuraasta Aqalka Hoose ee gobollada waqooyi ee ka socota Muqdisho waxaa kusoo baxday Aamina Cumar Jaamac oo ku guuleysatay kursiga tirsigiisu yahay HOP 202.