Kenya oo COVID19 ka tallaali doonto dhallinyarada

0
317

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa shaacisay in laga billaabo berri tallaalka ka dhanka ah COVID19 gaar ahaan nooca Pfizer la siin doono dhallinyarada ay da’doodu u dhexeyso 15 ilaa 18 sano.
Waxaa ka faa’iidaysanaya qiyaastii 5.7 milyan oo qof.
Madaxa guddiga ay dowladda dhexe u xilsaartay qaybinta dawooyinka COVID19 Dr. Willis Akhwale ayaa sheegay in Isniinta dib u eegis lagu sameyn doono hannaanka si Talaadada loo billaabo bartilmaameedsiga dhallinyarada.
Hasa ahaate da’yarta ayaa lagu tallaalayaa Pfizer keliya.
Tani ayaa timid ka dib markii guddiga dawooyinka iyo ka hor tagga waxyaabaha sunta ah ee dalka uu arrinkan ansaxiyay.
Waxaa uu qorshuhu yahay in ilaa 4 milyan oo dawooyinka tallaalka ah la gaarsiiyo dhallinyarada qaangaaraya .
Kenyaanka ayaa lagu boorriyay inay sii wadaan u hoggaansanka tallaabooyinka lagu xakameynayo faafitaanka caabuqa corona sida qaadashada afxirka, kala fogaanshaha,gacmo dhaqashada iyadoo la isticmaalayo gacmo nadiifiyaha
Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa ku talisay in tallaalka Pfizer la siin karo wixii ka wayn 12 sano.