Wasiirkii arrimaha dibadda Soomaaliya oo wax la yaab leh ku tilmaamay xilka qaadistiisa

0
411

Wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, ayaa ka fal celiyey xilka qaadistii lagu sameeyey, isagoo ku tilmaamey talaabadaasi wax aan wanaag saneyn.
Maxamad Cabdulrasaaq Maxamuud Abuubakar, ayaa wax layaab leh ku tilmaamay hannaankii iyo war gelin la’aantii lagu sameeyey xil ka qaadistiisa, inkastoo uu qiray inay jirtay toddobaad kahor inuu gudbiyey istiqaalad.
Marar badan ayay dhacdaa in wasiirrada xukuumadda federaalka ee dowladda Soomaaliya laga qaado jagooyinka ay hayaan, iyagoo sheega inaysan wax wargelin ah helin.
Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya ayaa hayey xilkani muddo sanad ah, iyadoo uu yahay mas’uulkii saddexaad ee qabta jagada wasaaradda arrimaha dibadda, tan iyo markii la doortey Madaxweyne Maxamad Cabdullaahi Farmaajo sanadkii 2017-kii.