Dhallinyarada oo lagu boorriyay inay ka faa’iidaystaan fursadaha shaqo ee dijitaalka ah

0
310

Xoghayaha maamulka sare ee wasaaradda warfaafinta , isgaarsiinta iyo tiknolojiyadda dalka Maureen Mbaka ayaa da’yarta ugu baaqday inay ku dadaalaan sidii ay uga faa’iidaysan lahayeen fursadaha shaqo ee online-ka ah.
Waxay tusaale u soo qaadatay barnaamijka shaqo abuurka ee dijitaalka ah ee loo yaqaano Ajira digital programme.
Mrs. Maureen ayaa hoosta ka xarriiqday in nidaamkan uu yahay mid ay dowladda dhexe qaab online ah tababaro ku siiso dhallinyarada si ay u helaan xirfado ay ku horumarin karaan noloshooda.
Mbaka ayaa intaasi ku dartay in ilaa iyo hadda dhallinyaro dhan 1.2 milyan ay ka faa’iidaysteen tababarrada.
Waxay da’yarta u sheegtay inay la jaanqaadaan horumarka dhanka tiknolojiyadda ee caalamka maadaama sida ay hadalka u dhigtay cudurka covid19 awgii, shirkado badan ay hadda qaab online ah ku shaqeeyaan .