Waxaa xalay dalka la soo gaarsiiyay dawooyin dheeraad ah oo loo adeegsan doono tallaalka ka dhanka ah cudurka COVID19 kuwaasoo gaaraya 564,480.
Dawooyinka oo ah nooca Moderna lagana soo dejiyay gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA magaaladatani Nairobi ayaa waxaa Kenya ugu deeqday dowladda Maraykanka iyadoo u soo marisay hannaanka ay dunida si siman ugu qaybsanayso tallaalka ee loo yaqaano COVAX.
Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in taageeradan ay kaalin wayn ka qaadan doonto dardargelinta tallaalka ka socdo gudaha wadanka.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ilaa iyo hadda in ka badan 6 milyan oo qof la siiyay tallaalka caabuqa corona halka uu qorshuhu yahay in dhammaadka bisha 12-aad ee sanadkan , tiradan ay gaarto 10 milyan oo qof.
10-kii bishan ayay ahayd markii dalka la soo gaarsiiyay 765,600 kuuro oo ah dawooyinka tallaalka COVID19 gaar ahaan nooca AstraZeneca.