Dowladda Soomaaliya iyo midowga Africa oo isku mari la’a arrinta AMISOM

0
634

Sida ay baahisay warbaahinta Maxalliga ah ee Soomaaliya, Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa isku khilaafsan qaabka uu yeelan doono howlgalka nabad ilaalinta ee AMISOM wixii ka dambeeya dhamaadka sannadkan, waxaana Midowga Afrika uu dhawaan ansixiyay qorshe howlgalka ka dhigaya mid ay wadajir u maamulaan Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika.
Qorshahaas waxaa si xooggan u diidday dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamad Cabdirisaaq oo ka hadlay arrintaan ayaa sheegay in dowladda soomaaliya ay aaminsan tahay in ammaanka Dalka ay ugu dambeystii tahay arrin u taala Dowladda, islamarkaana uu xalka waara ku imaan karo markii Soomaaliya ay iyadu arrimaha amnigeeda gacanta ku heyso.
Wasiirka Waxaa uu Tilmaamay inay dowladda Soomaaliya haysato Ciidamo qaba tababar wanaagsan awood u leh iney mas’uuliyada ammaanka dalkooda kala wareegeen Howlgalka AMISOM islamarkaana Midowga Afrika ay isla fiirinayaan markii uu waqtiga ka dhaco Sanadkaan sii dhammaanaya.
Muddooyinkii Dambe waxaa taagnaa khilaaf u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika oo ku saabsan Qorshaha ka bixitaanka Soomaaliya ee howlgalka AMISOM, iyadoo AMISOM ay iyadana ka caga jiideeso inay Soomaaliya isaga guurto.