Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa iska fogeeyay eedeymo loo soo jeediyay oo la xiriira musuqmaasuqa.
Tani ayaa timid ka dib markii ay maanta dib u billaabatay dhageysiga dacwadiisa.
Arrintan ayaa ku soo aadaysa 6 isbuuc ka hor inta aynan doorasho dhicin.
Netanyahu oo 71 sano jir ah ayaa loo haystaa laaluush qaadasho khiyaano, iyo kalsooni lumin.