Daraasaad lagu ogaaday in xisbiga UDA uu taageero badan ka haysto shacabka

0
625

Xisbiga United Democratic Alliance UDA ee lala xiriirinayo ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto iyo xisbiga ODM ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga ayaa u muuqda inay yihiin xisbiyada ilaa iyo haatan ugu shacbiyada badan wadanka.
Cilmi baaris ay sameysay shirkadda daraasaadka ee TIFA ayaa lagu ogaaday in 30 boqolkiiba xisbiga UDA uu taageero ka haysto dadweynaha halka ODM uu haysto 16 boqolkiiba.
Daraasaadkan ay maanta soo saartay shirkadda TIFA ayaa muujinaysa shacbiyadda xisbiga UDA inay kor u kacday boqolkiiba 21 laga soo billaabo bishii Lixaad ee sanadkan, halka ODM lagu sheegay boqolkiiba 9%.
Waxaa sahankan ku xusan in xisbiga talada dalka haya ee Jubilee ay hoos u dhacday 40 boqolkiiba tageeradii uu ka haystay dadweynaha laga soo billaabo bishii Lixaad ee sanadkii hore, 34 boqolkiiba bishii 12-aad ee isla sanadkaas iyo 8 boqolkiiba bishii Juun ee sanadkan.
TIFA ayaa sheegtay in arrikan ay ka wareysatay 1,519 qof.
Waxaa ay sidoo kale xustay in shacbiyadda xisbiga UDA ay ka sarreysa xisbiyada ODM iyo Jubilee marka la isku daro labadaba, iyada oo ay jiraan warar sheegaya in labada xisbi ay isbeheysi ku midoobi doonaan ka hor doorashada guud ee sanadka dambe.
Dhanka kale daraasaad ay sameysay shirkadda cilmi baarista ee TIFA intii u dhaxaysay 7-dii ilaa 13-kii bishan ayaa lagu ogaaday in isbeheysiga OKA oo ay ku midoobeen madaxda siyaasadeed ee kala ah Musalia Mudavadi , Kalonzo Musyoka, Gideon Moi iyo Moses Wetangula ay boqolkiiba hal tahay shacbiyadooda.
Boqolkiiba 40 ka dadkii la wareystay ayaa si kastaba ha ahaatee, aynan aqoonsaneen isbeheysigha OKA inuu yahay xisbi siyaasadeed.