Madaxweynaha dalka oo ammaanay xiriirka hoggaamiyeyaasha haweenka ee qaaradda Afrika

0
526

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa hay’adda haweenka hoggaamiyeyaasha ah ee qaaradda Afrika ee (AWLN) ku ammaanay kaalinta ay ka qaadatay u ololeynta arrimaha dumarka iyo awood siinta dhallinyarada.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in barnaamijka wacyigelinta ee hay’addan uu yahay mid boogaadin mudan maadaama uu da’yar badan ku dhiirrigeliyay inay noqdaan kuwo wax soo saar leh bulshada dhexdeeda.
Mr. Kenyatta ayaa AWLN ku boorriyay inay ka faa’iidaysato fursadaha ay ka midka tahay ganacsiga xorta ee qaaradda Afrika si ay u xoojiso ka qayb qaadashada haweenka ee isbeddellada horumarineed.
Waxaa uu si gaar ah hay’addan ugu ammaanay taageerada ay Kenya ku siisay madasha sinnaanta jinsiyadeed iyo ololaha jinsiyadda ee qaramada midoobay taasoo sare u qaaday dadaallada dowladda dhexe ee awood siinta haweenka iyo gabdhaha yaryar.