Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa fasaxday in si tartiib tartiib ah dib loogu bilaabo howlihii madaaladda iyo cayaaraha ee goobaha tacliinta.
Wareegto uu soo saaray xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda tacliinta dalka Dr. Julius Jwan ayaa kula taliyay maamulayaasha iskuullada inay ardayda kala qayb galaan tartamada lagu qabto dugsiyada.
Waxaa uu sidoo kale wareegtada u diray dhammaan agaasimayaasha waxbarashada ee gobollada, ismaamullada iyo deegaannada hoose.
Dr. Jwan ayaa xusay in go’aankan uu yimid ka dib markii la dejiyay hab-raaca badbaadada iyo caafimaadka ee cudurka COVID-19 oo ay soo si wadajir u diyaariyeen wasaaradda caafimaadka iyo dhigeeda waxbarashada.
Waxaa uu intaa ku daray in wasaaraddu ay dhanka kale ka shaqaynaysa habab si buuxda loogu soo celinayo howlahan wakhtigooda.
Tartamada cayaaraha iyo madadaalada ee xarumaha waxbarashada ee dalka ayaa la hakiyay bishii Saddexaad ee sanadkii hore, ka dib markii kiiskii ugu horreeyay ee cudurka Covid19 laga xaqiijiyay gudaha dalka, iyadoona tallaabadan looga gol lahaa xakameynta xanuunkan.
Home Wararka Kenya Wasaaradda waxbarashada oo fasaxday in dib loo bilaabo howlaha madaalada ee goobaha...