In ka badan 6 milyan oo laga tallaalay COVID19

0
531

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in ilaa iyo hadda dadka qaatay dawooyinka tallaalka ka dhanka ah cudurka COVID19 ay tiradoodu tahay 6,083,449 .
Wasiirka caafimaadka ee Kenya ,Mutahi Kagwe ayaa sheegay in 3,905,215 oo tiradan ka mid ah hal mar ah la tallaalay halka 2,178,234 ay si buuxda u qaateen tallaalka.
Tani ayaa tirada dadka waawayn ee qaatay tallaalka dhameystiran ee COVID19 ka dhigaysa boqolkiiba 8.
Kagwe ayaa intaasi ku daraya in tirada dhimashada ee ka dhalatay COVID19 ay tahay 5,322.
Waxaa uu qorshuhu yahay in dhammaadka sanadkan cudurka laga tallaalo ugu yaraan 10 milyan oo qof.