Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka oo xalay dalka yimid

0
327

Waxaa abaare saqdii dhexe ee xalay dalkani Kenya soo gaaray xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony J. Blinken
Waxaa uu kulan la qaadan doonaa madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo wasiiradda arrimaha dibadda Raychelle Omamo.
Kulanka ayaa la rajeynayaa inuu xoojiyo iskaashiga istaraatiijiga ee ka dhexeya labada dal.
Arrimaha ay dhinacyadan ka wada hadli doonaan waxaa ka mid ah amniga, ilaalinta deegaanka , soo afjaridda cudurka COVID-19, sare u qaadidda helitaanka tamar nadiif ah iyo taageerada Maraykanka uu Kenya ka siin karo in doorashada guud ee sanadka 2022-ka ay noqoto mid nabad ah.
Blinken ayaa sidoo kale socdaal ku tagi doono goobta xusuusta weerarkii horay loogu qaaday safaaraddii Maraykanka ee Nairobi iyo keynta Karura .
Socdaalka mas’uulkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo aad loo adkeeyay ammaanka wadanka ka dib markii saddex qof oo loo haystay argagixisanimo ay ka baxsadeen xabsiga wayn ee Kamiti halka ay shalay qaraxyo mataano ah ka dhaceen wadanka Uganda.
Safarka Blinken ayaa noqonaya midkii ugu horreeyay ee uu ugu soo ambabaxay wadamada saxaraha ka hooseeya tan iyo markii la magacaabay waxaana la filayaa inuu sidoo kale gaaro wadamada Nigeria iyo Senegal halkaasoo uu kulamo kala duwan ku qaban doono.