Midowga Yurub oo cunaqabatayn dheeraad ah saaraya Belarus

0
287

Midowga Yurub ayaa lagu wadaa inuu kordhiyo cadaadiska uu ku hayo wadanka Belarus, iyagoo sii xoojinayaa cunaqabataynta ka dhanka ah dalka Belarus iyadoo xiisadda socdaalku ay sii xumaanayso xadka Poland iyo Belarus.
Kumanaan qof oo muhaajiriin ah ayaa wali waxay ku go’doonsan yihiin xadka labada dal ee uu qabow ba’an ka jiro kuwaasoo laga hor istaagay inay gudaha u galaan dalalka kale ee Midowga Yurub iyagoo Poland u sii maraya maadaama uu khilaaf xooggan ka dhex jiro Midowga Yurub iyo dalka Belarus.
Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Midowga Yurub ayaa la filayaa inay meel mariyaan qaraarka lagu kordhinayo cunaqabataynta Belarus oo ay suuragal tahay inay saamayso shirkadaha diyaaradaha iyo safarrada kale.
Poland iyo dowladaha kale ee xubnaha ka ah Midowga Yurub ayaa Belarus ku eedeeyay inay dadka magangalyo doonka ah ku dhiirigelisay inay ka gudbaan xuduudka Poland si ay uga aargoosato cunaqabataynta ay reer galbeedku ku soo rogeen xukuumadda Minsk ka dib doorashadii lagu murmary ee bishii Siddeedaad sanadkii 2020-kii taasoo madaxweynihii Belarus ka arriminayay muddada dheer ee Lukashenko u suuragalisay inuu xilka sii hayo markii lixaad waxaana ka dhashay mudaharaadyo dowladda looga soo horjeeday.
Xukuumada Minsk ayaa iska diiday eedaymaha loo soo jeediyay waxayna ku hanjabtay inay ka aargoosan doonto tallaabooyin kasta oo ay Midowga Yurub qaadaan oo ay ku jirto inay xirto marinka gaaska Ruushka ee Yurub ee lagu gudbiyo dhuumaha dhexmara Belarus.
Dhanka kale dowladda Poland iyo xulufadeeda reer galbeedka ayaa dowladda Ruushka ku eedeeyay inay ku lug leedahay xiisadda ka taagan xadka balse Moscow ayaa taasi beenisay.
Hoggaamiyeyaasha qaar ka mid ah dalalka Midowga Yurub waxay dalbadeen in si degdeg ah loo soo bandhigo isbedellada xeerarka lagu xakamaynayo soo galootiga, iyagoo dalbaday inay Midowga Yurub bixiso qarashaadka ku baxaya adkaynta xaduudaha ay tan Belarus ka mid tahay maadaama kumanaan muhaajiriin ah ay isku dayayaan inay xadka ka soo gudbaan.
Dhanka kale aqalka Kremlinka ee Ruusha looga arrimiyo ayaa sheegay inay xukuumadda Moscow diyaar u tahay inay dhexdhexaadiso xiisadda soogalootiga ee u dhexeysa dowladda ay saaxiibka dhow yihiin ee Belarus iyo Midowga Yurub.