Biden oo saxiixay hindise sharciyeed ku saabsan kaabayaasha

0
422

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa qalinka ku duugay hindise sharciyeed soo jeedinaya in dhaqaale dhan 1.2 tiriliyoon oo doolar lagu qarash geliyo kaabayaasha horumarineed.
Waxay tani qayb ka tahay qorshaha dhanka maalgashiga ee wadankaasi.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in la rajeynayo in tallaabadan ay wanaajiso dhaqaalaha Maraykanka .
Biden ayaa muwaadiniinta dalkaasi u sheegay inay sameynayaan hor u socod dhinaca horumarka ah.
Waxaa uu shacabka u ballanqaaday in maamulkiisa uu wax ka beddelayo noloshooda.
Qorshaha maalgashi ee uu Biden saxiixay ayaa horseedaya in la fuliyo mashaariic la xiriira waddooyinka, buundooyinka iyo baabuurta korontada ku shaqeeya.